Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo QM Warbixin ka siisay Abaaraha kajira dalka

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, oo uu wehliyo Ku xigeenka Xoghaya guud ee Qaramada midoobay Martin Grifiths, ayaa si wadajir ah warbixin u siiyay golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ergeyga oo Isniintii gaaray waddanka Mareykanka ayaa magaalada Ney York ka wada kulamo iyo shirar is dabajoog ah oo loogu qareemayo dad Soomaaliyeed ee Abaaraha sameyeen.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, uu la kulmo madax kala duwan, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa wax kaqabashada dhibaatada ay sababtay Abaarta.

Soomaaliya ayaa xilligaan meelo badan oo kamid ah waxaa kajirta abaaro daran oo saameyay dad iyo Duunyo.