Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socday hey’adda UNHCR

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaaminayay madaxa UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa Mr. Magatte Guisse ka dhagaystay warbixin ku saabsan hawlaha samafalka ah ee ay hay’addu ka shaqayso.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa ku bogaadiyay hay’adda UNHCR shaqooyinka ay hayaan, isagoo xusay inay xoojin doonaan wadashaqaynta Hay’adda iyo Xukuumadda, si loo xoojiyo arrimaha bini’aadantinimada iyo dedaalada samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.