Hiiraan: Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ee XFS oo fashiliyey Miinooyiin Argagixisaddu ku Aaseen Waddooyin ay dadku isticmaalaan

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor gaar ahaan Ururka 8Aad ee XDS ayaa Howlgal Qorsheysan ku fashiliye Miinooyiin ay Nabadiidka Al-shabaab ku Aaseen Wadooyinka ay isticmalaan Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ee XDS ayaa Howlgalka ka fuliye wadooyinka isku xira degaanada kala ah Ceel lehel,Aafar Irdoodka ,Ceelow cusub, xujuub iyo wadooyinka soo gala Magaalada baladweyne gobolka Hiiraan.

Taliyaha ururka 8Aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor Gor XDS Dhamme Maxamed Xirsi ayaa sheegay in lagu guuleestay in Banaanka loosoo saaro Qaraxyo ay Nabadiidka ku aaseen wadooyinka ay isticmalaan Shacabka Soomaaliyeed.