Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda XFS oo kulan la qaatay danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda H.E Ahmed Hassan Aden ayaa la kulmay danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Larry E. Andrew, iyaga oo ka wadahalay sida ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan karaan horumarinta kalluumeysiga gudaha loogana faa’ideysan karo kheyraadka baddeenna.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sida ay hay’adda gargaarka ee Maraykanka ee USAIDSOMALIA dowr ugu yeelan karto in la horumariyo kalluumeysiga gudaha si kor loogu qaado wax soosaarka dalka loona gaaro kobac dhaqaale oo waara.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dalka H.E Ahmed Hassan Aden ayaa uga mahadceliyey safaaaradda iyo hay’adda  sida u daneynayaa horumarinta iyo maalgalinta kalluumeysiga gudaha isa oo u sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimad weyn u leedahay iskaashiga dowladaha iyo ha’adaha daneeya Soomaaliya gaar ahaan kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda taasina ay horseedeyso in horumar weyn oo la taaban karo laga sameeyo kalluumeysiga gudaha.