Soomaaliya oo Rwanda kaga qayb gashay shirka horumarinta beeraha Afrika

Kigali- Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Axmed Madoobe Nuunow iyo wafdi uu hoggaaminaaye ayaa kaga qeyb-galay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali shir weynaha AGRF-Summit (Africa Green Revolution Forum- Summit) oo ah madal sanadla ah oo ay Qaaradda Africa kaga arrinsato horumarinta wax soo saarka beeraha iyo sugnaanta cunnada.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka badan 3500 oo isugu jiro madaxweynayaal iyo wasiirro, maalgashato, deeq bixiyaal (WB, AfDB, IFAD) hay’adaha kashaqeeyo beeraha, aqoonyahanno, cilmi baarayaal iwm.

Kulanka ayaa lagu lafa gurayaa waxyaabaha hortabinta u leh waddan walba, caqabadaha ku gedaaman wax soo saarka beeraha iyo sidii la-isaga kaashan lahaa ka qaarad ahaan iyo mowduucyo kale.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa  fursad u helay inay shir doceedyo la yeeshaan mas’uuliyiin iyo wakiillada deeq bixiyeyaasha iyo hay’adaha muhiimka ah ee kala shaqeyn kara wax ka qabashada beeraha.