Cadakibir: Ceel Ay Qarxiyeen Dhawaan Argagixisada Oo Dib Loo Hagaajiyay

Ceelbiyoodkiii deegaanka Cadakibir oo ay dhawaan qarxiyeen kooxda Alshabaab ayaa galabta dib loo hagaajiyey, waxaana lagu guulaystay in laga biya gaaro.  Dad iyo duunyo muddo harraadanaa ayaana galabta biya ka cabay.

Guddoomiyaha deegaanka Cadakibir Daahir Daa’uud ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in maalmo ay ku mashquulsanaayeen sidii ceelbiyoodka oo ay ku tiirsaneed Cadakibir  iyo deegaano dhawr ah dib loogu hagaajin lahaa.

Waxa uu u mahadceliyey Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo xafiiskiisu kaalin wayn ka qaatay sidii dib loogu hagaajin lahaa ceelbiyoodka.

Daahir Daa’uud ayaa intaa ku daray inay ka shaqaynayaan sidii dib loogu soo celin lahaa bulshadii magaalada uga guurtay biyo la’aanta maadaama hadda ceelbiyoodkii shaqaynayo magaaladana ay joogaan ciidan dawladeed iyo macawislayda deegaanka oo u diyaarsan inay shabaab ku weeraraan meelaha ay joogaan, taas oo Cadakibir ka dhigaysa magaalo ammaan ah.

Dadka Deegaanka ayaa talaabadan ku tilmaamay mid lagu farxo, maadaama lagu guulaystay in dib loo hagaajiyo ceelkii dadka iyo duunyada ay ka biyo cabi jiree.