Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Boqorad Queen Elizabeth II

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska boqortooyada dalka Ingiriiska,xukuumadda iyo shacab ka dalkaasi oo ay ka geeriyootay Boqorad Queen Elizabeth II.

Madaxweynaha oo ku hadlayaa magaciisa,kan shacabka iyo dowladda Soomaaliya ,ayaa xusay in muragada iyo tiiraanyada uu la qeybsanaayo shacabka Boqortooyada Midowday Ingiriiska, geeridii ku timid Boqorad Queen Elizabeth II.

Boqoradu waxa ay ahayd hoggaamiye soo shaqeeyay muddo todobaatan sano ah ,waxayna ku dhimatay da’da 96-sano jir.

Inta badan dalalka caalamka ayaa diraya dhambaallo tacsi ah oo ku socda shacabka,qoyska boqortooyada iyo xukuumadda dalka Ingiriiska.