Madaxda Wasaaradda Arrimaha gudaha oo kulan la qaatay Madaxa Qeybta Soomaaliya ee Hay’adda Berghof Foundation

Madaxda Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mud.Ilyaas Cali Xasan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa waxaa ay maanta kulan la qaatay wafdi ay Hogaamineysay Madaxa qaybta Soomaaliya ee Hay’adda Berghof Foundation Mss.Janel B.Galvanek.

Kulanka waxaa diirada lagu saaray Barnaamijyada ay hay’adda Berghof Foundation ka fuliso Soomaaliya sida Xalinta khilafaadka, Nabad Dhiska iyo Dib-U-Heshisiinta.
Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay hay’adda berghof ka qaadatay Arrimaha Xalinta khilaafaadka iyo Dib-u-heshisiinta Balan qaadayna in ay si dhow ula shaqayaan Hay’adda Berghof Foundation ee Soomaaliya.