Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada oo guddoomiyay shirka Amniga Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde

Wasiir Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa guddoomisay shirka amniga ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoo warbixin ka dhageysatay Saraakiisha Amniga Dawladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maxamed Cali Cumar , Wasiir ku-xigeenka, Sulub Axmed Firin , Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde iyo agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyada.