Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Elmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee (FGC).
Wasiirka iyo madaxda guddiga maamul-wanaaga maaliyadda ee (FGC) ayaa yeeshay wada-hadal mira dhal ah oo ku saabsan dadaalada Dowladda ee dib-u-habeynta iyo isbadalka Maaliyadda.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in wasaaradda Maaliyadda ay ka go’an tahay hagaajinta maamulka wanaagsan, iyada oo loo marayo hannaanka (PFM) maamulka maaliyadda dadweynaha.