Wakaaladda SONNA oo ka qayb-gashay Shirka Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Beijing- Madaxa Qaybta Ingiriiska Wakaaladda SONNA, Maxamed Cisman Cabdi ‘Black’ ayaa ka qayb-galaya shirka Iskaashiga Warbaahinta Shiinaha iyo Africa oo ay ka qayb-galayaan wafood dhan 240, kana socda caasimada dalkaas ee Beijing maalintiisa 2-aad.

Shirka oo furmay 25-ka Bishan oo ah shalay oo Khamiis ah kuna eg manta oo Jimco ah Aug.26,2022, waxaa martigeliyey maamulka Raadiyaha iyo TV-ga Qaranka Shiinaha, waxana ka qayb-galaya 42 dal oo Africa ah, dimplomasiyiin, Mas’uuliyiin sare oo midowga Africa ah, Wasiiro iyo saxafiyiin labada dhinac ah.

Le Yuchen, wasiir ku xigeenka Radiyaha iyo Tv-ga Qaranka Shiinaha ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in la xoojiyo Iskaashiga Warbaahinta  Shiinaha iyo Africa, ayna sare u qaadaan in wax laga barto ilbaxnimada labada dhinac.

“Waxa aan ku boorinaya dadka warbaahinta ka shaqeeya in si wadajir ah u soo saaraan una baahiyaan wax soo-saar aad u tayo leh kana tarjumeysa dhaqanka wanaagsan, saaxiibtinimada iyo waxyaabaha ay midka ka yihiin Africa iyo Shiinaha”, ayaa yiri, Le.

Wasiirada iyo Safiirada Afirca ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyada shirkan iyo xiriirka dalalaka Africa iyo Shiinaha, waxa ayna xuseen in aragtida iskaashiga labada dhinac ee 2035-ka ay tahay in labada dhinac wax is-dhaafsigooda uu u horseedo barwaaqo.

Dhanka kale Wariyaha SONNA, Maxamed Cisman ‘Black Cobra’ ayaa isna u hadlay dhamaan wariyeyaasho Africa ee ku dhawaad 40-ka ah ee hadda u jooga dalkaas tababar la xiriira Warbaahinta, wuxuna uga mahad-celiyey dawladda iyo Shacabka waddankaasi sida wanaagsan. ee ay u soo dhoweeyeyeen, waxa uu uuna si gaar ah uga sheekeeyey waayo aragnimadiisa tababar kan ka horeeyey oo uga qayb-galay halkaasi sanadkii 2019-ka.

“Waxa aan kamid ahaa 34 wariye oo Africa ka socday, kuna qaatay 10 bilood Shiinaha, waxaa na cajab geliyey dhismaha kaabayasha dhaqaalaha, Tareeno dheereeya, Technology-ad sare iyo iyado oo uu Shiinaha lahaa 800 milyan baan ka saarnay saboolnimada, inta harsan waxa aan ka saaray sannadka 2020. Waxan safar ku kala tagnay 10 gobal oo Shiinaha wakhtigaaa 2019”, ayuu yiri, Maxamed Cisman Cabdi ‘Black’.

Waxa uu sheegay in wariyeyaasho Africa ay hayaan hawl-bogaadin mudan oo ah si iskaashiga Wrabaahinta Shiinaha iyo Africa u bulaalo, wuxuna hoosta ka xariiqay in ay qabtaan arrimaha hor-tabin leh sida in dawladahooda taageerida ay muujiyeen siyaasada Shiinaha ee midka ah iyo is-garab istaagii markii uu dilaacay Covid-19 waxa ayna taasi sare u qaadeysa xiriirka labada dhinac oo xoogeysta.

Maxamed waxa uu si gaara uga sheekeeyey ganacsato iyo arday Soomaliyeed oo qaarkood baranayey kuliyadaha uga wanaagsan waxbarashada sida Medicine iyo Engineering, wuxuuna sheegay in dadka uu soo arkay ee uu la sheekaystay ay ka mid ahaayeen Soomaali waxbarasho uga timid dalal kuwa hormaray ah.

“Ka hor intii aanan tagin Shiinaha, wel-welka aan qabo waxa uu ahaa sida aan ku noolaanayo oo aan u helayo cuno ‘Xalaal’ ah, iyo gudashada cibaadadayda, balse Beijing ayaa waxa oo dhan ii sahashay, cunto xalaal ah kaliya ma helin ee waxa aan helay misaajid ii dhaw. Ciddini ma cabiri Karin sida aan u farxay in aan baahidaas la iga daboolay maadaaba aan ka socday dal leh dad 100% Muslim ah”, Maxamed ayaa ayaa ka yiri Madasha.

Uga dambeyn Maxamed Cismaan Cabdi ‘Black’ waxa uu u rajeeyey madashan in ay labada dhinac ka wada faa’idaan, dhiishan gunta isaga dhigaan.