Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug oo si rasmi ah u daahfuray Dhismaha Golaha Deeganka Dagmada Caabudwaaq

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa si rasmi ah u daahfuray Dhismaha Golaha Deeganka Dagmada Caabudwaaq, kadib munaasabad ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Caabudwaaq, taas oo maanta lagu qabtay degmada Caabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa kaga mahadceliyay salaadiinta iyo dhaqanka degmada Caabudwaaq, sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen dhisidda Golaha Deegaanka degmada, islamarkana la soo dhisi doono goor dhow golaha deegaanka degmada Caabudwaaq.
Odayaasha dhaqanka ee degmada Caabudwaaq ayaa xusay inay soo dhaweynayaan dhismaha golaha deegaanka ee degmada Caabudwaaq, iyagoona xusay in guud ahaan shacabka degmada qeybahooda kala duwan ay la shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, si loo dhiso golaha deegaanka.