AUN Abwaan Hadraawi oo maanta lagu aasay magaaldda Hargeysa

Alle ha unaxariistee Abwaankii weeynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee magaalada Hargeysa.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Odayaasha Dhaqanka, ehellada marxuumka, Bahda Fanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa kamid ah masuuliyiinta ka qayb-gashay Aaska Marxuum Abwaan Hadraawi.

Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa shalay ku geeriyooday isbitaalka Weyn ee Hargaysa.