Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kormeeray xarumaha ay ka howlgalaan Hay’adda Socdaalka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo madax kale ayaa kormeer ku tagay xarumaha ay ka howlgalaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo madaxdii kale e la socotay waxa ay booqdeen goobaha laga soo dago iyo kuwa laga baxo ee Garoonka Aadan Cadde, Waaxda Ajaanibta iyo fiisooyinka , Waaxda Jinsiyadda iyo Xarunta ugu weyn ee laga bixiyo adeegga baasaboorka Soomaaliya ee Degmada Hodan.

Kormeerkaasi oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Wasiiru Dowlaha Amniga gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud ,waxaa xarumahaasi ku soo dhoweeyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee Hay’addu ka heyso gudaha dalka iyo dibedba ,wuxuuna caddeeyay in si wadajir ah looga shaqeyn doono xallinta caqabadaha jira,isagoo dhinaca kale kula dardaarmay in lala yimaado qorshayaal istaraatiiji ah oo ka qeybqaadan kara horumarka dalka.