XARUNTA QARAN EE GURMADKA DEG DEGA AH OO SOO SAARAY WARBIXINNO KU SAABSAN ABAARAHA

xarunta qaran ee hawlgalada gurmadka degdega ah ee xafiiska r/wasaaraha ayaa soo saartay Warbixinadii ugu dambeeyay ee ka hadleysa Xaaladda Abaaraha ee dalka.

Warbixintu waxa ay u qorneyd sidatan

Waxaa dhacay wadar ahaan 8 Abaarood 50 kii sanno u danbeeyay.

Afarta hore celcelis ahaan 9 sanno ayay kala dandbeeyeen, 10kii sannoba hal mar ayay dhacaysay.

Afarta danbe celcelis ahaan 4.5 sanno kala dandanbeeyaan, 10kii sannoba labo jeer bay dhacdaa.

Sooyaalka Abaarihii dhacay 50 kii sanno u danbeeyay maxaynu ka baran karnaa?

Soomaaliya waxay maraysaa abaartii 3 aad mudo 10 sanno gudahood,waxayna darajo ahaan ku dhawdahay heerka qiyaasta MACALUUL.

Tan iyo 1981 waa abaartii ugu cuslayd dhanka dadka saamaysay.

Bishii Maay Abaartu waxay ka jirtay 89%  66 degmo oo dalka ah, halka bisha Luulyo ay marayso 90% 74 degmo.

Tirada Caruurta nafaqo daradu hayso waxay ku dhawyihiin 1.5 milyan, oo udhiganta 28% tirada guud ee caruurta.

Dadka u dhintay macluul ama xanuuno ka dilaacay abaarta waxay marayaan 466 (428 caruur iyo 38 qaangaadh ah.

Kororka tirada dadka ku barakacay Abaarta waxay ku dhawyihiin 1 milyan.

Tirada Barakacayaasha ayaa maraysay 208,664 bishii Nofember 2021, Waxii bishii Disember ka danbeeyay ku biiray 823,766 barakacayaal ah una dhigta koror ah 400% (afar jibaar).

Waxaa yaraaday amase laga waayay deegaanada qaar biyihii iyo baadkii, halka ay qiimaha maciishaduna ay sare u kacday 75% ilaa 200% tan iyo markay Abaartu bilaabmatay.

2.4M caruurta da’da iskuulka gaartay ayay Abaartu saamaysay. 1.7M oo ka mid ah caruurtan ayay Abaartu ka reebtay waxbarashadii. 720,000 (47% hablo yihiin) caruur ah ayaa khatar ugu jira inay iyana ka haraan waxbarashada saamaynta Abaarta daraadeed.

5% tirada guud ee xoolaha ayay abaartu dishay, halka ay saameysay ku dhowaad 30%, Kana dhigan in sadex meelood meel qoysaska xoolo dhaqatada ahi waayi doonaan qaabnololeedkoodii.

Halbeega nafaqo darida xoolaha ayaa inta badan dalku waxay marayaan 1-2, iyadoo meelo koobana ka hooseeyaan 1 (aad u liita).

Guud ahaan waxay sheegayaan xogaha iyo qiimeynta uu XRW wado in dalku geli karo bisha 9 aad ilaa 10 aad xaalad MACALUUL!

Bishan Luulyo Hay’adaha ka hawlgala guud ahaan Dalka waxay ku dhawaaqeen haddii dhaqaalihii hore loogu yaboohay si degdeg ah loo helin inay gebi ahaan istaagi doonaan waxii gargaar joogto ah ee ay samayn jireen.

Waxaa sare kacay tiradad xaaladaha cudurka jadeecada ah, waxa uuna xanuunkani dili karaa dadka nafaqo daradu hayso siiba caruurta. Waana halis kale oo kordhin doonta tirada geerida dadka abaartu saamaysay.

Degmooyinka ku sugan halista ugu badan ee saamaynta abaarta (darajada 5aad-macluul) waxaa kamid ah Ceelberde iyo Rabdhure Udhaw Macluul Galkacyo (IDPs), Baydhabo (IDPs), Goldogob, Beledweyn, Buuloburde, Jalalaqsi, Buurhakaba iyo Xudur

Sida UN-ka uu sheegay si loo dhaqaajiyo Gargaraarka Soomaaliya sanadkan 2022 waxaa loo baahanyahay $1.5 bilyan.

In Xafiiska RW oo ah hay’adda ugu sareysa fulinta uu qaato kaalinta isku xirka guud ee dhamaan hawlaha Gurmadka Abaaraha si loo xaqiijiyo kaalinta hay’adkastaa leedahay loona xoojiyo iskudabaridka dhamaan hawlaha Gurmadka.

In sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiiyo dadka u baahan dhaqaalaha gacanta Dawladda ku Jira ee Abaaraha u qoondeysan.

XIGASHO: Wakaaladda Wararka ee SONNA