Wararka laga helayo saraakiisha laamaha amniga gobalka mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in la hayo 3 ruux oo lagu tuhmay iney wadeen abaabul la xiriira miinooyin iyo walxaha qarkxa oo la damacsanaa in la soo galiyo magaalada Galkacyo
Ciidamada Nabad sugida iyo booliiska ayaa sheegaya in ragaasi la qabtay maalinimadii shalay,kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen dhulka miyiga ee hoostaga deegaanka dagaari oo 30 km dhanka koofureed ka xiga magaalada Galkacyo
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay ineey jiraan shaqsiyaad la tuhunsan yahay oo aan wali soo galin gacanta laamaha amniga balse ay socdaan baadi goobka ku aadan ragaasi.