Xubno ka socday Xafiiska RW XFS oo maanta booqasho ku tagay Isbitaalka Demartino

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Demartino Dr Cabdirizak Yuusuf Jalaaludiin ayaa maanta Isbitaalka ku soo dhaweeyay Xubno ka socday Xafiiska Ra’isul Wasaarah oo uu hogaaminayay Agaasimaha Arrimaha bulshada ee Xafiiska Ra’isul Wasaarah kuwaas oo kormeer iyo indha indheyn u yimid Isbitaalka.

Agaasimaha isbitaalka oo fadhi la qaatay xubnahaan ayaa xog dhameys tiran ka siiyay xaalada isbitaalka oo waqtiyadii u dambeysay ay soo gaarayeen bukaano aad u baaxad weyn oo u badan bara kacayaal isbitaalka u soo doontay adeeg caafimaad.

Xubnaha ka socday Xafiiska Ra’isul Wasaarah oo u kuur galayay xaaladda isbitaalka iyo bukaanada jiifa ayaa waax waax u booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka ayagoo soo arkay caruur nafaqa daro hayso, waayeelo, bukaano isbitaalka jiifa iyo kuwa bukaan socod ah oo loo adeegayo.

Isbitaal Demartino oo ku jira waqtigi ugu adkaa ee shaqo tan iyo COVID-19 kii ayaa wajahaya xaalad baahsan oo shaqo waxuuna u baahan yahay garab istaag buuxa, xubnahaan ayaa la filayaa in fariinta isbitaalka la wadaagaan Madxda Dalka si loo helo shaqa haqab tiran oo bukaanada lagu baahi tiro.