Madaxweynaha Dalka oo ka tacsiyeeyay geerida laba Wasiir oo ka kala tirsanaa Jubaland iyo Koonfur Galbeed

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wasiir Maxamed Warsame Darwiish.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Labada Marxuum ay door muuqda ka soo qaateen geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Dowlad Goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland oo ay ka kala ahaayeen Wasiirka Caddaaladda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Wasiir Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wasiir Maxamed Warsame Darwiish, waxa ay ka mid ahaayeen masuuliyiinta doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed ee deegaannada Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Labada Marxuum Alle u weydiiyey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen.