Ciidanka Nabad Sugida Koonfur Galbeed oo howlgallo ka dhan ah Argagixisada ka sameeyey xafadaha Baydhabo

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed  ayaa howgal qorsheysan ka sameeyey qaar kamid Xafadaha Magaalada Baydhabo Gaaar ahaan xafadaha Wadajir, Xanaana2,barwaaqo iyo kuwo kale.

Howglalka ayaa intuu socday Ciiidanka guri guri ubaarayey Xaafadaha waxaana lagu soo qab qabtay dhalinyaro tiradooda gaarayso 80 kuwaaas oo Ciidanka ku sameeyen baaritaan inta badan dhalinyarada ayaa lasii daayey markii lagu waayey kamid ahaanshaha Argigixisada Alshabaab waxaana weli Ciidanka gacanta ku hayaan tiro dhalinyaro ah oo weli ku socota baaritaan.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada ka wada howlgalo lagu bacsanaayo argigixsada Alshabaab kuwaas oo caadaystay dhibaataynta Shacabka.