Wasiirka Beeraha XFS oo Costa Rica uga qayb galay Shirka Qaaradaha Afrika-Latin Amerika ee horumarinta beeraha

Wasiirka Wasaarada Beeraha & Waraabka JFS Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Costa Rica uga qayb galay shirka iskaashiga Wasiirada Beeraha Africa iyo Latin America, kaas oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Africa qaybtiisa horumarinta, Beeraha & Cimilada ee AU-AUDO-NEPAD iyo Ururka INTER-AMERICAN INSTITUTE FOR COOPERATION ON AGRICULTURE(IICA) iyo Alliance for Green Revolution Africa(AGRA) ayna martigalisay Dowlada Costa-Rica,shirka waxaa diirada lagu saaray sidii labada qaaradood iskaga kaashan lahaayeen xaqiijinta hiigsiga caalamiga ah ee la dagaalanka gaajada iyo gaarista yoolka badbaado cunto(Zero Hunger).

Iyadoo laga duulayo dhibaatada cunto yaraan ee caalamka soo foodsaartay kadib colaadaha Ukrain iyo saamaynta ka dhalatay caabuqa Covid-19 waxaa hoosta laga xariiqay muhiimada ay leedahay iskaashi buuxa laga yeesho arimahaas,isdhaafsiga khibradaha iyo xoojinta iskaashiga koonfureed(South-South Cooperation).
Shirka Waxaa furay Madaxweyne ku xigeenka Dalka Costa Rica,Waxaa ka soo qaybgalay wasiirada Beeraha ee dalalka Africa qaarkood iyo Madaxda Ururada shirka qabanqaabiyay.
Gabagabadii Shirka waxaa laga soo saaray talooyin dhaxalgal ah iyo balamo lagu galay in labada qaaradood ay si mug leh u xaqiijiyaan hiigsiga la dagaalanka gaajada iyo xaqiijinta badbaado cunto gaar ahaan Africa oo ah qaarada sida gaar ah ugu suntan inay qaaradaha kale si weyn uga danbeyso badbaadada cuntada iyo la dagaalanka gaajada,wadamada qaarada Laatin America ayaa soo bandhigay khibrada iyo guusha ay ka gaareen dhinaca badbaadada cuntada iyo kor uqaadista waxsoosaarka dalalkooda.
Mudadii halkaas uu ku sugnaa Wasiirku Waxuu kale oo booqday Jaamacada UN leedahay ee Peace University ee dalka Costa Rica Caasimadiisa San Jose oo uu ka mid yahay ardayda ka dhigata PhD, waxaa si sharaf iyo Maamuus leh ugu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaamacada Rector Dr Francisco Rojas Aravena iyo Hormuudka Jaamacada Dr Juan Carlos iyo Maamulka Jaamacada waxuuna booqanay qaybaha kala duwan ee Jaamacada isagoo kadib shir la galnay maamulka,waxuuna uga mahadcelinay soo dhawaynta iyo howlaha aqooneed ee Jaamacada ay ka wado Soomaaliya, si gaar ah Xarunta Cilmibaarista ee Badbaadada Cuntada ee Jaamacada samaynayso taasoo wax weyn ka tari doonta geeska Africa dhinaca cilmi baarisyada la xiriira cuntada.
Waxaa Wasiirka booqashada Jaamacada ku weheliyay Dr.Fadil Ndiame oo ah Kuxigeenka African Green Rovulation Alliance AGRA iyo Lataliyaha Wasaarada Beeraha Ahmed Keynan.
Waxuu kale Wasiirka iyo wafuuda kaleba ay booqdeen xarumaha cilmi barista iyo beeraha Mooska, Coffee-ga iyo xoolaha ee dalka Costa Rica iyagoo warbixino ka dhegaystay khubarada maamusha xarumahaas.