Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Ergayga QM ee Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaaliya  James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta magaladaas gaaray.

Madaxweyne Laftagareen iyo danjire James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Aminiga, Abaaraha, la dagaalanka Argigixisada iyo Hirgelinta Mashaariic Hormarineed.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada, waxaana James Swan safarka ku wehelinayay Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Wakiilka UNHCR.