Madaxweynaha Puntland oo la kulmay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta iyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, Iyadoo hadda ay socoto diyaarinta Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Kulanka waxaa mdaxweynaha maamulka Puntland ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.