Jubbaland oo guddi u magacowday qaban qaabada aaska meydka Alle ha u naxariistee Wasiirkii Arimaha Gudaha maamulkaas

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada aaska Alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Ee maamulka jubbaland oo shalay ku geeriyooday dalka jarmalka.
Meydka marxuum Gen Maxamed Warsame darwiish ayaa lagu wadaa in dhawaan dalka la keeno si loogu aaso dalkiisa hooyo ee uu wasiirka u ahaa.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa xubnaha uu magacabay qaban-qaabada Aaska waxa ay ka koobanyihiin ilaa 7 ruux oo iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiin kale oo jubbaland ka tirsan.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah.

Mudane Maxamed Yuusuf Omar guddoomiye
Mudane Xuseen Xirsi Axmed guddoomiye ku xigeen
Mudane Generaal yuusuf Xuseen Cusmaan
Mudane Ceydiid Suleymaan Xaashi
Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed
Mudane Cali Cadheys Xasan
Mudane Axmed Cabbdirisaaq Maxamed
Marxuum Janaraal Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) ayaa sanadihii u dhaxeeyay 2006 ilaa 2009 Waxa uu soo noqday Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka isaga oo maamulka jubbland xilal kala duwan ka soo qabtay.