Wasiir Wasaaradda Kaluumeysiga XFS oo maanta si rasmi ah u furay shirka wadamada ku midoobay Urur goboleedka IGAD

Wasiir Wasaaradda Kaluumeysiga XFS Mudane Abdulahi Bidhan Warsame ayaa manta si rasmi ah u furay shirka wadamada ku midoobay Urur goboleedka IGAD kaas oo ka furmay Magaaladda Muqdisho.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galaleen wufuud ka socotray 8 wadan oo wadamada geeska Afrika ee IGAD ku mideysan ayaa looga hadlayaa sidii looga faa’ideysan lahaa khayraadka biyaha ee Badda iyo Wabiyadda( Blue economy) oo ay wadamadaan hodan ku yihiin.

Shirkaan oo ah aqoon is weydaarsi heerkiisu sareeyo ayay noqoneysaa kii ugu horeysay ee Soomaaliya lagu qabto oo heerkaas gaarsiisan waxaana wadan kasta shirka ku soo bandhigay khayraadka biyo ee uu leeyahay ayadoo la baran doono inta shirku socdo hanaanka ugu wanaagsan ee khayraadka looga faa’ideysan karo asaga oo wadan kasta dagsan doono istiraatiijiyad u gooni ah oo uga shaqeysan karo ka faa’ideysiga khayraadkiisa.

Soomaaliya oo shirkaan lagu qabanayo ayaa ah wadanka ugu xeebta dheer Afrika eek a faa’ideysan kara khayraadka waxaana shirka goobjoog ah Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Kaluumeysiga, Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS iyo madaxa IGAD ee Soomaaliya u fadhiya.

Shirkaan ayaa la soo xiri doonaa maalinka barri ah waxaana la rajeynayaa in wadamada geeska Afrika ay ka faa’ideystaan khayraadkooda.