Antony Blinken oo maalmaha soo socda booqanaya dalal Afrikaan ah

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa in todobaadyada soo socda uu u safro dalalka Koonfur Afrika, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Rwanda.

Safarka oo bilaabanaya 7-da bisha soo socota ayaa ujeedku yahay in Washington ay kor u qaado diblomaasiyadda Afrika si looga hortagto weerarka soo jiidashada leh ee Ruushka.

Warku waxa uu intaa ku darayaain Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, ay sidoo kale tagi doonta bisha Ogosto dalalka Ghana iyo Uganda.

Safarada madaxda Mareykanka ayaa la xiriira,si dii wax looga qaban lahaa saameynta isbeddelka cimilada, cunto yarida iyo masiibooyinka caalamiga ah

Dhaqdhaqaaqyadaan diblomaasi  ayaa yimid, ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov uu safar ku tagay dalal kamid ah Afrika.