Wasiirka Garsoorka Koofur galbeed oo ku dhintay qarax ka dhacay Beydhabo

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur  ayaa manta ku dhintay Qarax bam oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Qraxaan oo ay ka dambeeyeen kooxo dhagar qabayaal ah ayaa ka dhacay bannaanka masjid xilli laga soo baxay salaadii jimcaha ee manta.

lix ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi sida uu kusoo waramay wariyaha warbaahinta qaranka ee  magaalada Beydhabo.