Wadamada Geeska Afrika (IGAD) oo maanta kulan muhiim ah ku leh Muqdisho

Shir heerkiisu sareeyo oo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay Wadamada geeska Afrika ee IGAD ku mideysan ayaa ka socda maantaMagaaladda Muqdisho.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa sidii wadmada geeska Afrika uga faa’ideysan lahaayeen khayraadka biyaha ee Badda iyo Wabiyadda  (Blue Economy) ,iyadoo si gaar ah looga wada hadlayo hanaanka dal kasta uu  uga faa’ideysan karo  khayraadkiisa.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya Masuuliyiin ka kala socota 8 wadan oo wadamada geeska Afrika ah iyo madax ka socota IGAD oo shirka qaban qaabineysa waana markii u horeysay oo Soomaaliya lagu qabanayo.