Galmudug oo Ceel biyood ka hirgelineysa deegaanka Godinlabe

Cadaado- Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug oo ka fal-celineysa abaaraha baahsan iyo biyo yarida kajirta deegaanada Galmudug ayaa qodista ceel riig ah ka billaawday deegaanka Godinlabe ee hoostaga degmada Cadaado.

Agaasimaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug mudane Cabdinaasir Cabdullaahi Jaamac ayaa dhagax dhigay ceel biyoodkan oo wax badan ka tari doona baahiyaha dhanka biyaha ee ay qabeen dadka ku nool deegaanada fog-fog ee ku xeeran Godinlabe.

Ceelkan ayay hirgalintiisa iska kaashanayaan wasaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug iyo hey’adda ADRA, sida uu sheegay u qaabilsanaha hey’addaasi qaybta biyaha iyo daafada deegaanada Galmudug iyo puntland.

Sidoo kale qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degaanka Godinlabe ayaa ka mahad celiyey qodista Ceelkan.

Agaasimaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug mudane Cabdinaasir Cabdullaahi jama ayaa ugu dambeyn sheegay in ceelkani ku yimid qiimeyn hore looga sameeyay illaa dhowr barood oo sahmiyayaashu u asteeyeen in goobtani noqotay halka ugu mudan ee laga heli karo biyo macaan.