Xafiiska Gurmadka Degdegga ee R/wasaaraha oo codsatay in loo gurmado dadka la ildaran abaaraha

Maammulka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xaruntiisa Qaran ee Hawlgallada Gurmadka Degdegg ah ,ayaa soo bandhigay xog ururin ku saabsan baaris qoto dheer oo 10-kii bilood ee u danbeeyay lagu sameeay saamaynta abaaruhu ay ku yeesheen dadka iyo duunyadaba.

Xafiiska  oo kaashanaysa dhammaan Wasaaraddaha heer Federal iyo Dawlad goboleedyada dalka ayaa xog uruurin iyo baaris qoto dheer ku samaysay saamaynta abaaraha ee 10-kii bilood ee la soo dhaafay.

Soomaaliya waxay maraysaa abaartii 3-aad mudo 10 sanno gudahood. Abaartani waxay darajo ahaan ku dhawdahay Macaluul – waana abaartii ugu cusleyd tan iyo sanadkii 1981.

Sida xogta Xaruntu muujineyso dalku guud ahaan wuxuu ku sii siqayaa darajada 5-aad oo ah tan ugu darran xagga saameynta.

Dowladda cusub ee Soomaaliya waxay ahmiyad gaar ah siineysaa wax ka qabashada dhibaatooyinka abaarta ,sidaa daraadeed,waxay codsatay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee jooga gudaha dalka iyo dibeddaba, gaar ahaan Ganacsatada inay u gargaaraan walaalahooda ay saameysay abaarta.