Ciidamada Puntland oo gacta mariyay goobo ay ku dhuumaalaysanyeen Argagixisada

Ciidamada kala duwan eeĀ  dowlad goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgallo qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Howlgalladan oo ka dhacay buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad ayaa lagu burburiyay fariisimo uu keyd badan u yiillay Al-shabaab.

Howlgalada ayaa ah kuwa weli ka socda Buuraleyda Gobolka Bari, iyadoo ay Ciidamadu sii baacsanayaan kooxihii halkaasi ka baxsaday ee Argagixisada Al-shabaab.