Golaha shacabka BJFS oo u ogalaaday Ra’iIsul wasaarah in muddo 10 cisho ah loogu daro soo dhisidda Golaha Wasiirada

.Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ogolaaday codsi uu Ra’isulwasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre  usoo gudbiyay Gudddoonka Golaha Shacabka kaa uu kaga codsanaayo in mudo toban maalmood ah loogu daro soo magacaabista golihiisa wasiirada,waxaana haa ku ogolaatay 144-xildhibaan,hal xildhibaan ayaa diiday mana jirin wax ka aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo kulanka shir guddoomineysay ayaa natiijada codeynta ku dhowaaqday.

Kulan Madaxtooyada Soomaaliy shalay ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa warar soo baxayay ay sheegayeen inay isku raaceen in muddo 10-cisho ah dib loo dhigo Magacaabista Golaha  Wasiirada