Mileteriga Mayanmar oo dilay 4 kamid ah kooxaha isbadal doonka ah

Dowladda militariga Myanmar ayaa dil toogasho ah ku fulisay afar qof oo u ololeeya dimoqraadiyada,isla markaana ka horjeeday afgambiga mileteri ee ka dhacay dalkaasi,sanadkii 2021-kii .

Afarta nin ayaa la toogtay kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen abaabulka falal argagixisanimo, sida uu sheegay wargeyska Global New Light ee ka soo baxa dalka Myanmar.

Dilka raggaan oo kala ah Hla Myo Aung , Aung Thura Zaw, Phyo Zeya Thaw iyo Kyaw Min Yu ,waxa uu sababay cambaareyn iyo caro ballaaran oo gudaha iyo dibadda ah.

Maxkamad ciidan ayaa bishii Janaayo ee la soo dhaafay xukun dil ah ku ridday raggaasi,ka dib markii lagu eedeeyay inay gacan siiyeen maleeshiyaad si ay ula dagaallamaan ciidamada mileteriga ee talada dalka la wareegay bishii Febraayo 2021-kii ,kaas oo uu hoggaaminayay Sarreeye Guuto Min Aung Hlaing.

Xukunka dilka ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ciqaab dil ah laga fuliyo dalka Koonfur-bari Aasiya muddo tobanaan sano ah oo ka soo wareegatay 1980-kii.

Xubnaha la dilay waxaa ku jira nin horay uga tirsabaa baarlamaanka dalkaasi iyo fannaan caan ah.