WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO SHAHAADO SHARAF GUDDOONSIIYAY SHIRKADDA SOMPRINT

Kulan loogu mahad celinaayay laguna gudoon siinaayey shahaado sharaf Shirkadda Somprint ayaa lagu qabtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ay ka soo qaybgaleen wasiirka warfaafinta, agaasimaha guud, agaasimaha Waaxda Wargaysyada iyo mas’uul kale.

Wasiirka Warfaafinta ayaa guddoonsiiyey shahaado sharaf Shirkadda Somprint waxa uuna ku ammaanay doorka weyn ay ka qaateen hawlaha qaran ee oo uu Wargeyska Dalku u hayo Bulsha weynta Soomaaliyeed.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Wargeyska Dalku uu yahay Wargeyska ugu weyn ee dalka ka soo baxa goob kastana laga heli karo sida diyaarada, xafiisyada, garoomada iyo goobo badan oo dalka ah, fariinta uu xambarsan yahayna uu yahay mid ka duwan fariimaha ku qoran baraha bulshada ama warbaahinnada kale ka baxada.

Shirkadda Somprit ayaa muddo lix sano ah waxa ay si dhow ula shaqeyneysay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska gaar ahaan Waaxda Wargeyska Dalka oo ay kala shaqeyneysay daabacadda Wargeyska oo maalinta Isniinta soo baxa.

Ugu danbeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cusmaan Abokor Dubbe ayaa uga mahad celiyey Shirkadda Somprint sida hagar la’aanta ah ay ula shaqeysay Wasaaradda Warfaafinta sidoo kalena ay qeyb weyn uga qaadato dib u dhiska dalka.