R/wasaarihii hore ee Srilanka oo madaxweyne loo doortay

Baarlamaanka Sri Lanka ayaa manta oo Arbaca ah madaxweyne u doortay Ra’iisul Wasaaraha ahna ku simaha Madaxweynaha Ranil Wickremesinghe,kadib kolkii dalkaasi 10 cisho ka hor ay ka dhaceen banaanbaxyo sababay in shacabku ay galaan madaxtooyada iyo hoyga r/wasaaraha.

Doorashada Mr. Ranil Wickremesinghe ayaa la filayaa in ay noqoto mid dejisa mudaaharaadyo kale oo ka dhaca waddanka ay qalalaasuhu saameeyeen.

Kadib codeyn qarsoodi ah, Mr.Wickremesinghe waxa uu helay 134 cod halka musharraxa ugu weyn ee Dullas Alahapperuma uu helay 82 cod.

Musharaxa seddexaad, Anura Kumara Dissanayake, ayaa isna xaqiijistay seddexda cod ee xisbigiisa.