Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo soo gaarey Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa soo dhaweyn u sameeyay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug sida wasiirka wasaradda mudane yaxye xiish, wasiir kuxigeenka Wasaradda Maxamed nuur diini, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganeey iyo maayerka Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow.

Safarkan wasiirka shaqada iyo arrimaha XFS uu kuyimdi Dhuusamareeb ayaa la xiriira u kuur-galida mashruuca baxnaano ee taakuleynta dadka abaartu saameysay iyo ogaanshaha heerka nolosha ee barakacayaasha ku sugan Gobolka.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay wafdiga wasiirka.

Yaxye xiish wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Galmudug ayaa sheegay in mudada wafdigu joogo ay wada eegi doonaan xogta xaaladaha barakacayaasha iyo Mashaariicda kale ee wasaraddu wado

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa ugu dambeyn ka waramey ujeedada safarkiisan oo daaran dhowr qodob oo muhiim u ah ka jawaabida xaaladaha abaarta ee saameysay bulshada ku dhaqan deegaanada Galmudug