Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Dalka oo qaabilay Ergayga Finland ee nabadaynta Geeska Afrika

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Maanta, Mudane Suldaan Saciid Axmed oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland, ahna Ergeyga cusub ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay kaalinta Finland ee arrimaha Dhab-u-heshiisiinta iyo nabadda.
Suldaan Saciid ayey Dowladda Finland soo magacawday dhawaan si uu u dardar geliyo xiriirada Filand ay la leedahay waddamada Geeska Afrika.