Gurmad la gaarsiiyay Buurdhuube oo ka tirsan Gobolka Gedo

Wasaradda Gargaarka XFS ayaa maanta gargaar Raashin ah  u dirtay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Gargaarka ayaa isugu jira nuucyada kala duwan ee raashinka, taas oo diyaaradii siday Goordhaw ay ka ambabaxday Garoonka Adan cade ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan XFS.

Gargaarkan ayaa qeyb ka ah dedaalada Gurmadka ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya gaarsiinaysay gobolada Dalka guud ahaan, gaar ahaana deeganada ay aadka u saameyeen Abaaraha daran ee dalka ka jiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa sii laba jibaartay ciiwaanada la gaarsiinayo Shacabka Soomaaliyeed kadib Baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in xoogga la saaro ka hortagga xaalad macluul oo ay sabto Abaartan.