Midowga Yurub oo heshiis la saxiixday Azerbaijan

Midowga Yurub ayaa dalka Azerbaijan la saxeexday heshiis isfahan hordhac ah oo lagu jibaarayo gaaska dabiiciga ah ee ay kala soo degaan waddankaasi.

Heshiiska ayaa u ogolaan doona in Midowga Yurub uu Azerbaijan Gaaska kasoo iibsado ilaa sannadka 2027-ka, iyada oo Lacagaha ku kacayana ay gaari doonaan balaayiin dollar.

Midowga Yurub ayaa bilihii la soo dhaafay isku dayayay inuu yareeyo ku tiirsanaanta Gaaska Ruushka, si dhaqaalaha looga yareeyo Moscow sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine.