Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay wakiilka hey’ada UNICEF ee Sooomaaliya

Kismaayo- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Jubbalnad ku qaabilay wakiilka hay’ada UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef iyo wafdi ay hogaaminaysay oo booqasho ku tagtay Jubaland.

Madaxweynaha iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah iyo gurmadka saamaynta ka dhalata sidii si wadajir ah la isaga kaashan lahaa.