Ciidanka Xoogga dalka oo Gacanta ku soo dhigay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyey degaannada Leego, Yaaq Bariweyne iyo Warta Madax Maroodi oo hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa Gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Nabad diidka Al-shabaab.

Taliyaha ururka 64aad ee Ciidanka xoogga Dalka Cali Cabdulalahi Halac oo howlgalka hoggaminayay ayaa sheegay in Ujeedka uu ahaa sidii Maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab looga saari lahaa degaannadaas, isla markaana loo xaqiijin lahaa Amnigooda.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in howlgalkan lagu soo qabtay Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo mararka qaar weeraro ka geysan jiray degaannada howlgalka laga sameeyay.