Ciidamada Danab oo howlgal qorsheyn ku dilay xubno ka tirsan argagixisada

Ciidmada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanada Dooxada Jubba ka fuliyay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab .

Howlgalkaan oo ku soo dhammaaday si guul leh waxaa lagu dilay labo ka mid ah argagixisada, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa had iyo jeer u taagan sidii ay shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen dhibaatooyinka ay ka midka yihiin baadda ee ay kooxaha argagixisada ku hayaan bulshada.