Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay waddanka Türkiye 15-kii July 2016 — taasi oo ku suntanayd maalinta ilaalinta midnimada iyo dimoqraadiyadda Turkiga.

Tn iyo markii uu Afgenbigaa dhicisoobay, dowladda Turkiga ayaa maalinkaa u asteysay maalinta midnimada Shacabka Turkiga, waxa ayna qabataa dabaaldegyo lagu xusayo sidii Geesinimada lahayd ee ay Shacabka dalkaasi uga hortageen laalidda Dimuquraaddiyadda wadankooda.