Ra’iisul wasaaraha Dalka oo qaabilay safiirada UK iyo Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya, Kate Foster oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday dardar-galinta barnaamijyadda horumarineed ee dowladda Britain ka tageerto Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan sida gargaarka iyo amniga.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre oo qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya, Fei Shengchoa ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha.