Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Fiona Lortan iyo saraakiil ka tirsan hawlgalka ATMIS.

Masuuliyiinta Midowga Afrika ayaa xog ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlgalka ciidamada ATMIS iyo wakhtiga kala guurka oo loo dejiyay in ay ciidanka Soomaaliyeed guud ahaan la wareegaan amniga dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddiisu ka shaqeyn doonto xasilooni siyaasadeed iyo mid amniba, isla markaana ay ahmiyadda koowaad, labaad iyo saddexaadba ay siineyso amniga iyo sidii waddanka nabad looga dhigi lahaa.