Axmed Madoobe oo shir Guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay shirka golaha Wasiirada maamulkaas oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horay Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay natiijada iyo habka loo maray imtaxaanka agaasimayaasha guud ee qaar kamid ah wasaaradaha Dowlad Goboleedka ee dhawaan la qaaday isagoo tilmaamay in sababta shirkad ajinabi ah loogu doortay qaadista imtaxaanka tahay sidii looga fogaan lahaa eex iyo nin jeclaysi isla markana hogaaminta Cusub ee wasaaradahu ay u noqon lahayeen kuwo aqoon ahaan iyo karti ahaanba kasoo bixi kara waajibaadka saaran.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shaqo abuurka dhalinyarada isagoo xusay in la joogtayn doono isla markana ahmiyad gaar ah la siin doono shaqo abuurka dhalinyarada si ayna ugu dhicin falal danbiyeedyo loogana faa’iidaysanin waxyaabo naftooda khatar ku ah sida tahriibka.

Dhinaca kale Wasaaradda amniga ayaa laga dhagaystay warbixinta amniga Jubbaland ee todobaadkii tagay iyadoo Wasaaraddu ay ka warbixisay shaqooyinka u danbeeyay ee Wasaaradda iyo hay’adaha amniga ay qabteen.

Sidoo kale Wasaarada maaliyada ayaa ka warbixisay qorshaha Wasaarada ee sanadka 2022/2023 ee hormarinta dakhliga guud ee Jubaland iyadoo la raacayo tijaabooyinkii u danbeeyay iyo khibradaha laga dhaxlay.