Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo safar shaqo ku tagey Puntland

Ergeyga Madaxweynaha JFS Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo barqadii saakay kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Garowe ayaa waxaa halkaa kusoo dhoweeyay xubno isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno.
Wafdiga Ergeyga ayaa ku horreeyay aqalka Madaxtooyada Puntland halkaas oo ay fadhi kooban oo salaan iyo soo dhoweyn ah kula yeesheen Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyada oo intaas kadibna kulan horudhac ah la qaatey guddiga gurmadka Abaaraha ee Puntland.
Ergeyga ayaa ka qaybgelaya shir wayne loogu qareemayo gurmadka abaaraha ee Puntland. Wuxuu kaloo dhaqdhaqaaqyo isugu jira kulamo xog isweydaarsi ah iyo kormeer ah ku kala tegi doona meelo kala duwan oo Puntalnd ah.