Garoowe- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha ayaa ka caawa magaalada Garoowe uga qaybgalaya Shirweynaha Gurmadka Abaaraha, oo ah shir loogu qareemayo dadka abaartu ay halakeysay ee ku sugan deeganada Puntland.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalaya Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdillaahi Deni, Madaxweynaha Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash), Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland, Wasiirro, Xildhibaanno, Hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgala Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.


