Agaasimaha guud ee warfaafinta oo u tacsiyeeyay qoyskii ay ka geeriyootay marxuumad Hodan Aw-Daahir Af-qarashe

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tacsi u diray guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha aqalka sare senator Cabdulaahi Cali Xirsi timacadde oo hooyadii Hodan Aw-Daahir Af-qarashe ay ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Agaasimaha guud ,waxa uu Marxuumadda ilaah uga baryay in uu janadii fardowsa ka waraabiyo, eheladii ay ka tagtayna ,waxa uu faray samir iyo iimaan .

Sidoo kale,agaasimaha guud,waxa uu tacsi u diray qoyska  Reer Daahir Afqarshe ee ay ka dhimatay Hodan Aw-Daahir Af-qarashe .