Duqa Muqdisho oo booqday qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda ee uu roobku biyo dhigay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday qaar kamid Wadooyinka Caasimadda oo uu biyaha dhigay Roobkii da’ay 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa goobihii uu booqday waxaa ka socotay shaqa balaaran oo ay howl wadeenada Dowlada Hoose Ee Xamar biyaha uga saarayeen Wadooyinka Muqdisho si Shacabka loogu fududeeyo  isku socodka gaadiidka iyo bulshada.

Goobaha uu kormeeray Gudoomiyaha waxaa kamid ahaa.

1- Wadada hormarta dugsiga tababarka Ciidanka boliiska Soomaaliyeed ee School Police.

2-wadada 21-October

3-Warta KM-4 ee degmada Waabari

4- Waddada Buula Xubeey ee degmada Wadajir

Gudoomiye Cumar Filish ayaa maamullada degmooyinka gobolka Banaadir  faray in olola xooggan oo nadaafadda iyo bilicda lagu soo celinayo laga qabto Wadooyinka Caasimadda, waxa uu sidoo kale ugu baaqay bulshada in ay garab istaagaan howl wadeenada Dowlada hoose Xamar.