Madaxweyne Rajapaksa oo ka dhoofay Maldives kuna wajahan Singapore

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa ka dhoofay Maldives isagoo raacay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Sacuudiga oo ku sii jeeday Singapore.

Madaxweynaha ayaa u qaxay Maldives maalin ka hor xilli ay dalka Srilanka ay ka dhaceen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dhibaatada dhaqaale ee Sri Lanka.

Ma cadda in Mr Rajapaksa uu sii joogi doono Singapore iyo in uu u isticmaali doono meel ka baxsan.

Waxa uu hore u ballan qaaday in uu xilka iska casili doono maalinimadii Arbacada ee la soo dhaafay. balse waxa uu ku guul daraystay in uu si rasmi ah u gudbiyo iscasilaadiisa ilaa hadda.

Tallaabadani,ayaa ku soo beegantay iyadoo ku-simaha madaxweynaha Ranil Wickremesinghe uu soo rogay bandow maalintii labaad ,laakiin go’aanka ayaa dhaliyay mudaaharaadyo kale oo lagu dalbanayo inuu iscasilo.

Dhinaca kale,hal qof ayaa ku dhintay 84 kalena waa ay ku dhaawacmeen dibad-baxyadii Arbacadii, kuwaasoo ka dhacay goobo muhiim ah oo ku yaalla agagaarka caasimadda Colombo, oo uu ku jiro xafiiska ra’iisul wasaaraha.